Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Jamhuuriga Ee Dalka Kenya “Ciidamadeena Waa In Aan Kala Soo Baxnaa Gudaha Soomaaliya”.

0

Nairobi (AGGM): Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Jamhuuriga ee dalka Kenya ayaa kusoo biiray xisbiyada dalbanaya in ciidamada Kenya ay dib isaga baxaan dalka Soomaaliya, oo ay u joogaan howlgal nabad ilaalineed.

George Ayugi, Xoghayaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dowlada Kenya looga baahan yahay inay ciidamadeeda kala soo baxdo dalka Soomaaliya, tan iyo waxii ka dambeeyay markii mugdi uu soo kala dhex galay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in u yeeritaankii safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Nuur uu ku yimid magaalada Muqdisho ay tahay calaamad cad oo cadeynaysa in Soomaaliya caawinaad dheeri ah aysan kaga baahneyn Kenya, sida uu hadalka u sheegay.

“ Ma jiro xiriir ka dhaxeeya Somalia iyo Kenya waxii ka dambeeyay markii ay u jeerteen safiirkoodii, mana jirto sabab ay ciidamadeena ay usii joogaan Soomaaliya iyagoo ku howlgalaya macaga abuurista nabada”sidaasi ayuu yiri Mr Ayugi.

Safiirka Somalia ee Kenya ayaa yimid Muqdisho markii dowlada ay u yeertay, waxii ka dambeeyay xeritaankii Qunsulka Soomaaliya ee Kenya Axmed Shire, kaasi oo xabsi laga sii daayay todobaad ka hor.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka taagnaa xer xeritaanka Soomaali badan oo dowlada kenay ay ku eedeysay inay sharci daro ku joogaan dalkaasi Kenya, iyadoo dowlada ay ku sheegtay inay sameynayso howlgal ay ugu magac dartay nabad galyo.

Hadalka xisbiga Jamhuuriga ayaa kusoo aaday maalin kadib markii xisbiga ODM, uu dalbaday in ciidamada Kenya ay dib kaga soo laabtaan Soomaaliya, ayna ka dalbadeen dowlada Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com