Dhageyso+Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan Sheekh “Dhaqanka Dowladdnimadda aan ilaalino waliba Dowladnimadda dhaxdeeda aan ku ilaaliino”.

0

Mogadishu, 07,May, 2014 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahii ugu dambeeyey booqasho ku joogay dalalka Itoobiya iyo Imaaradka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha oo shir-jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cade International Airport ayaa ka warbixiyey safaraddii uu ku tegey dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa yiri. “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaan kala soo hadalnay cilaaqaadka labada dalka iyo arrimaha Gobolka. Sidoo kale waxaan Adis-Ababa kula kulannay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo aan isaguna kawada hadalnay cilaaqaadka Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka iyo latashiga shirka Wadamadda Afrika iyo Mareykanka Bisha Augusto ee sannadkan ka dhici doona Mareykanka iyo sidii loo kordhin lahaa tegeeradda Soomaaliya iyo iskaashiga dhanka Aminiga iyo la dagaalanka argagixisada”
Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda Dalka Imaraadka Carabta uu kala hadlay cilaaqaadka labada dalka iyo sidii loo kordhin lahaa Kaalmada dhaqaalaha ee Soomaaliya ku wajahan sida, Kaabayaasha dhaqaalaha, Maalgashiga iyo dhinaca horumarinta degaanadda.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhawaaqii siyaasadeed ee ka jiray Muqdisho mudadii uu dalka ka maqnaa. “ aad iyo aadbaan u xushmeynayaa una qadarinayaa ra’yiga qofka Soomaaliga ah haddii uu yahay siyaasi ama qof shacab ah labaduba, qofku in uu ra’yigiisa cabiraa waa wax aad u fiican, waan ku faraxsanahay in maanta si xuriyad ah loo hadli karo dadkuna ay ra’yikooda cabiri karaan, waxay hormuud u tahay xoriyadda iyo Dowladdnimadda meesha aan ka gaarnay laakin waxaan leeyahay ra’yi kasta oo la cabirayaa waxa uu leeyahya meel lagu cabiro iyo si loo cabiro”.

“ Waxaan leeyahay afkaarta waa xor,. Madaxweynaha Jamhuuiriyadda federaalka Somaaliya ahaan waxaan diyaar u ahay inaan la fadhiisto cid kasto oo Soomaali ah oo tabasho qabta oo aan dhageysto tabashadooda cid kasto Soomaali ah oo rayi Soomaaliya lagu horumarinayo heysana in aan ka dhageysano oo aan ka qaadano ayaan diyaar u nahay. Dhaqanka Dowladdnimadda aan ilaalino waliba Dowladnimadda dhaxdeeda aan ku ilaalino” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo Kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah la qiimeeyo Waxqabadka Dowladda gaar ahaan hey’adaha Dowladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meelbey ka timid meel ayeyna u socotaa, Soomaaliya Dowlad ayey yeelatay Dowladdnimaduna waa sii xoogeysaneysaa”.

Ugu dambeyntiii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo Wadada Maka Almukarama lug ku soo maray ayaa mid mid u gacan qaaday kumanaan dadweeyne oo maanta isugu soo baxay wadooyinka Muqdisho kuwaas oo ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha.

unnamed

unnamed (1)

unnamed (8) unnamed (7) unnamed (6) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (2) unnamed (5)

DHAMMAAD.

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud, Senior Press Officer, Office of the Somali President

E 1: shadorhaji@presidency.gov.so, E 2: shadoor150@gmail.com
Tell:- +252615522051

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com