Dhageyso: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle “Kenya Ma Ay Wanaagsana In Dadka Soomaaliyeed Oo Dhan Dambiileyaal Ka Wada Dhigto”.

0

Washington (AGGM): Madaxweynaha Dalka Jabuuti Cusmaciil Cumar Geelle oo ku sugan Dalka Mareykanka ayaa waxa uu ka hadlay Dhibaatada Somalida loogu geysanayo Dalka Kenya waxana uu sheegay Geelle in Kenya ay Xaq ku tahay in dalkeeda amaankiisa ay sugto dadka dhibka ku hayana ay iska qabato hase ahaatee aysan habooneen in magaca Soomaali ay la dagaalamaan oo qofki Soomaali ah ay dhib u geystaan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadka Mucaaradka ku ah Xukuumadiisa ee ku sugan Gudaha iyo Dibada isagoo kutilmaamay in Mucaaradka aan la caburineen Laakiin loo baahan yahay in mar waliba ay ku hadlaan wax dadka iyo dalka Jabuuti u wanagsan sida uu hadalka udhigay Geelle.

Ka hadalka Dhibaatada Somalida loogu geysanayo Dalka Kenya gaar ahaan Nairobi ayaa sii kordhaaya taasi oo keentay xitaa Siyaasiyiin Kenyaan ah oo ku mid yahay Raila Odinga isagoo ku baaqay in la joojiyo Dhibaatada Soomaalida lagu hayo.

Falal Amni daro ayaa ka dhacayey muddooyinkii udambeeyey magaalooyin katirsan Kenya iyadoo laamaha Amaanka Kenya ay ku dadaalayaan sidii Nabad gelyada dalkaasi kusoo celin lahaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com