Xildhibaan C/qadir Cosoble “Hadii Madaxweyne Xasan Sheekh Uu Iscasili Waayo Baarlamaanka Ayaa Shaqada Ka Eryi doona”.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaan C/qadir Cosoble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xildhibaanada soo gudbiyey in madaxweynuhu is casilo aay doonayaan inay dalka bad baadiyaan iyagoona kula taliyey in madaxweynuhu is casilo maadaama uu qabsan waayay howshii loo igmaday.

Xildhibaanka oo la weydiiyey hadii madaxweynuhu diido inuu is casilo waxa aay fali doonaan ayaa sheegay inay markaa baarlamaanka u adeegsan doonaan kadibna shaqada ka ceyrin doonaan madaxweynaha.

Mar la weeydiiyey in dhawaan xilka aay ka qaadeen raísal wasaarihii hore Saacid, hadana aay doonayaan inay madaxweynaha xilka ka qaadaan ayuu sheegay markii horaba in qilaafka raisul wasaarihii hore uu ka dhex jiray madaxweynaha iyo Saacid inaguna aanu markaa u fududeynay madaxweynaha maadaama uu ku andacooday in Saacid uu waxqabadkiisu liito, hadase ka baarlamaan ahaan waxaanu aragnay in sartu ka qurunsantahay dhinaca madaxweynaha oo taladii dalka lagu soo koobay shaqsiyaad.

Xildhibaan Cosoble ayaa yiri waan ognahay in waqti 2-sanadod ah aay madaxweynaha u dhiman tahay laakiin waa xili dheer oo loo baahanyahay in laga faaídeysto.

Si kastaba lama oga waxa keenaya xiligan in baarlamaanku u ololeeyo xil ka qaadis madaxweyne, waxaase dadka qaar ku macneeyeen in qarash xumo aay heyso xubnaha baarlamaanka oo markii mudo la joogaba abaabula mooshin si xoogaa lacaga halkaa looga shaq shaqdo, waxaa la ogyahay in xildhibaan kastaa qaato lacag 3000 dollar ah, dhamaantoodna waxay degen yihiin hoteelo qaaliya mid walibana wuxuu leeyahay waardiyayaal u gooniya taasina waxay keeneysaa in qarashku liito si wax loo helana waa in la abuuraa qal qal siyaasadeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com