Uhuro Kenyatta”Ciidamada Somalia naga jooga Waa Difaaca Amaanka Kenya”

0

M/weynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta  oo ka hadlay amaanka dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in weerarada ka dhacaya dalkiisa aysan ka joojin doonin howlgalka ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya.

M/weyne Uhuurru waxaa uu sheegay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay in weerarada Xarakadda Al-Shabab ka geystaan gudaha dalkiisa inaysan saameyn ku yeelan doonin howsha ay ka hayaan Soomaaliya waxaana uu xusay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ay wadaan hawlgal ujeedkiisu yahay sugida amaanka Kenya iyo Soomaaliya.

“Ciidamadeena Soomaaliya jooga shaqada ay hayaan waa sugida amaanka Soomaaliya iyo Kenya mana naga joojinayso weerarada ay Shabab noo geysanayaan” ayuu yiri M/weynaha Kenya.

Dadka aan Muslimka aheyn ee Kenya ku nool ayuu ugu baaqay inaysan u arag in Muslimiinta oo dhan ay dhibaateynayaan Kenya waxana uu Al-Shabab ku tilmaamay koox doonaysa inay Kenya u kala qeybiso Muslimiin iyo Masiixiyiin.

M/weyne ku  xigeenka Kenya William Rutto ayaa asna saacadihii lasoo dhaafay ka sheegay magaalada Nairobi in dawlada Kenya aysan hadda qorshaha ugu jirin la bixitaanka ciidamadooda Soomaaliya jooga.

Hadalka Madaxda ugu sareysa Kenya ayaa imaanaya wax yar kadib markii xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ee ODM la yiraahdo uu ugu baaqay dawlada Kenya in ciidamada Kenya Soomaaliya laga saaro si Kenya u nabad gasho.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com