Dhageyso: Gudoomiyaha Maamulka Degmada Caabudwaaq Iyo Hay’adaha Samafalka Oo Kulmay.

0

Caabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq iyo hay’adaha samafalka ayaa maanta kulan looga hadlayay xiriirka wada-shaqeynta ah ee ka dhexeeya labada dhinac waxa ay ku yeesheen xarunta degmadaas ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Cabdirisaaq Xasan Cawl oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hay’adaha samafalka ay kala hadleen sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen iyo qorshooyinka lagu wajahayo gargaar la gaarsiiyo dadka ay sameeyeysay biyo la’aanta iyo abaarta.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ha’adaha ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa dadka ku soo barakacay duleedka Caabudwaaq, wuxuuna xusay inay ballan-qaadeen inay arrintaas wax ka qaban doonaan.

Cabdirisaaq Xasan Cawl ayaa hay’adaha samafalka u soo jeediyay in dadka soo barakacay ay si degdeg ah u gaarsiiyaan bacaha roobka, maadaamda deegaanno ka tirsan gobolka uu ka curtay xilli roobaadka Gu’ga, wuxuuna ballan-qaaday inay sugayaan ammaanka shaqaalaha gargaarka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com