Dhageyso:Meydad Al-shabaab ah oo laga Helay Duleedka Buulabarde

0

Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Gaashanle dhexe Xirsi sandheere oo katirsan Ciidanka Dowladda waxaa duleedka Magaalada Buulaburde lagu arkay Meydadka 4-qof oo la sheegay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab

Sida uu sheegay sargaalka noo waramay dhamaan xubanahaasi waxa ay ku geeriyooden dagaal culus oo xalay Al-Shabaab ay Buulaburde kula galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Miatariga Somaaliya,

Xirsi sandheere waxaa kaloo an kasoo xiganay in shabaabka ay dagaalka ku dileen uu ku jiray taliyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa markii ay heysteem Beledweyne ,isagoo dhankoodana shaaciyay in 3-askari ay ka dhaawacmeen

Maheyno ilaa hada war ka madaxbanaan saraakiisha Ciidanka Dowladda oo xaqiijinaya in meydadkaasi lasoo bandhigay ay ahaayen xubno ka tirsan Al-Shabaab ,waxaana xusuus u baahan in Shabaabka ay joogteeyen weearrada ay ku qaadayaan Magaalada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan tan iyo markii lagala wareegay halkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com