Daawo Sawirada: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab Iyo Nicholas Kay oo maanta kulmay.

0

Muqdisho (AGGM):Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nikolas Kay, ayna ka qeyb galeen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, gobalka, odoyaal dhaqameed ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee uu maamulka Gobolku ka hirgeliyay Degmada Heliwaa.

Kulanka oo muddo saacado qaatay, islamarkaana ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka midtahay, Amniga, Ilaalinta xaquuqda aadanaha iyo kaalinta Qaramada Midoobay uga aadan horumarka ka socda degmooyinka Gobolka benaadir iyo arrimo kale.

Danjire Nikolas Kay oo kulanka markii uu soo idlaaday kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa maamulka Gobolka Benaadir ugu hambalyeeyay horumarka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dhankooda ay sii xoojinayaan taageerada ku aadan xasilinta iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo isna saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu ku qaabilo xarunta cusub ee Maamulka oo ku taalla degmada Heliwaa, isagoo xusay intaasi ay ka turjumeyso horumarka iyo amniga ka jirta caasimadda

Waa markii ugu horeysay uu Guddoomiyaha Gobolka Benaadir xafiiskiisa ku qaabilo Danjire Nikolas Kay tan iyo markii uu qabtay xilka guddoomiyaha Gobolka.

mu9 mu8 mu7 mu6 mu5 mu4 mu3 mu2

mu9
mu1

mu10

mu
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com