Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed Oo Saanad Hub Ah Soo Gaarsiiyay Maleeshiyada Doolow Iyo Dagaalada Sokeeye Ee Ka Soo Ifaya Gobolka Gedo Oo Sii Laba Jibaarmay

0

Doolow (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada doolow ayaa waxa ay sheegayaan in Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed uu shalay soo gaarsiiyay maleeshiyada Doolow Gaari ay saaran yihiin saanad hub ah oo isugu jira qoryo BKM- ah iyo rasaasta AK 47.

Warkan ayaa intasi waxa uu ku darayaa in hubkan la soo mariyay dhanka Kenya sidoo kalena abaabulka colaada gobolka Gedo ay qeeyb ka yihiin Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed, Maamulda Puntland iyo kuwa kilinka shanaad.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo saaka xiriir la sameeysay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay “Walaale Sida muuqata waqtigan xaadirka ah waxaan marnaba baaqsan doonin dagaalo sokeeye oo ka dhaca gobolka Gedo, qadarta Ilaaheyse waa halkeeda.

Mas’uulkan ayaa waxa kale oo uu sheegay Hurinta colaadan waxaa u durbaan tumaya Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed haddii uu dagaal ka dhaca gobolka Gedo-na waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed mana ku guuleesanayo ee waa uu ku jabyaa isaga iyo mooriyaantiisa” waa sida hadalka uu u dhigay mas’uulkan.

Maxuu Yahay Qorshaha Ka Dambeya Dagaalka Gobolka Gedo Laga Abaabulayo?

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in qiyaamada ka dambeysa in Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed uu huriyo colaada gobolka Gedo waxa uu doonayaa marka uu dagaal ka dhaco gobolka Gedo in uu yiraahdo dhamaan madaxda gobolka Gedo hala soo qab qabto oo uu ku dalbado ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo si uu u soo magacaabo maamul cusub oo uu u fuliya qorshihi guracnaa ee uu ku tagay magaalada Kismaayo ee fashilka ku soo dhamaaday.

Isku soo wada duuboo Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa sida muuqata waxaa heysata dhuunti wax aysan qaadi karin la mariyo waa ay dilaacdaa, taa oo macnaheeda ah in Horjooge Cabdiweli Sheekh uu fashil iyo foolxumo aan abid soo marin taariikhda Siyaasiyiinta Soomaaliya kala hoyan doono masraxa siyaasada Soomaaliya, waaba hadduu yahay nin ka xishooda ceebaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com