Dhageyso:Gudoomiyaha Gobolka Gedo “Maleeshiyada Doolow Xalay Ayaa Hub Loo Qeeybiyay Saakana Dagaal Ayay Ku Soo Qaadeen Balad Xaawo”.

0

Garbahaarey (AGGM): Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Gudoomiye Kaliil ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkaasi laga soo abaabulay degmada Doolow oo ciidamadani ku dagaalamay maanta Baladxaawo qeyb kamid ah ay ka yimaadeen dhankaasi.

Waxaa sidoo kale Maxamed Cabdi Kaliil carrabka ku dhuftay in degmada Doolow laga soo abaabulay duulaankani hayeeshee ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com