Golaha Amaanka oo ka hadalay Qaraxyadii ugu danbeyey ee ka dhacay Dalka

0

Muqdisho(AGGM):Golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa ugu horeyn cambaareeyay weeraradii qaraxyada ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo masuuliyadooda ay sheegteen Alshabaab, sababayna dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay si xoogan u cambaareynayaan weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha amaanka ayaa soo hadal qaaday dilalkii ugu dambeyay ee xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo geystay bishii April ee lasoo dhaafay, iyagoo sheegay inay qeyb ka tahay amni darada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay golaha amaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha golaha amaanka ay carabka ku adkeeyeen in weerarada ka dhacaya dalka Soomaaliya aysan u joojin doonin taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya.

“Xubnaha golaha amaanka waxay hoosta ka xariiqeen inay sii wadayaan taageerada nabada iyo dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya”sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka golaha amaanka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarada kala duwan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ay caqabad ka noqon karaan nabada caalamiga iyo guud ahaan amaanka gobolka.

Ugu dambeyn golaha amaanka ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii ay ka geeriyooday dadkii lagu dilay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com