Dhageyso: Mucaaradka Kenya Oo Dalbaday In Ciidamada Kenya Laga Soo Saaro Kismaayo”Dalkeennii Ayaa Amaankiisii Faraha Ka Baxay, Sidee Shacabkeenu u Aqbali Karaan In Ciidamadeenu Ay Kismaayo Joogaan”

0

Nairobi(AGGM): Afhayeen u hadlay xisbiga mucaaradka Kenya ODM ee wadankaas shacbiyada weyn ku leh Prof Nyong’o  ayaa ku baaqay in ciidamada Kenya si deg deg looga soo saaro Kismaayo, isagoo sheegay hadal run ah oo dad badan Kenyan ah ay qireen in loo baahnaa xiligan.

Prof Nyong’o  ayaa sheegay in amaanka Kenya uu faraha ka baxay oo uusan amaan ka jirin magaalooyinka waa weyn ee dalkaas, isagoo xusay dhacdooyinka boqolaalka shacabka Kenya ay maalin walba ku dhimanayaan.

Prof Nyong’o  ayaa yiri “ qoysaska waxaa ka dhimanaya dadkii u soo xamaali jiray, kuwii ka difaaci lahaa cadawgana ee ciidamada militariga KDF una soo gurmanayaan”

Prof Nyong’o  ayaa su’aal adag dul dhigay sida dadka Kenyaatiga looga dhaadhicin karo howlgalka ciidamaad Kenya ku joogaan Kismaayo markii ciidamadaas joogitaankooda Kismaayo loo xanuujinayo shacabka reer Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaas Prof Nyong’o.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com