Dhageyso: Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Maxamed C/laahi Good ” Dagaalka Balad Xaawo Waxaa Ka Dambeeya Itoobiya Iyo Kenya”.

0

Balad Xaawo (AGGM):Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammada ka kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa maanta ka qarxay gudaha magaalada  Balad-xaawo ee gobolka Gedo,

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegay in ciidamadii Itoobiya ee magaaladaas ku sugnaa ay saaka waaberigii ka baxeen, kaddib markii hareeraha degmadaas ay soo dageen maleeshiyaad taabacsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Afhayeenka Maamulka Dowladda Ee Gobolkaasi Maxamed C/laahi Good oo Xilliga dagaalka uu socday ayaa Faafaahin Kabixiyay Dagaalka Kabilowday Balad Xwaaxo Iyo Cidda Uu Udhaxeeyo.

Isku soo wada duubo Afhayeenka maamulka Dowladda Maxamed C/laahi Good ayaa waxa uu ka gaabsaday sheegida ku lug lahaanshaha R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ee dagaalka maanta ka socda magaalada Balad Xaawo balse caro kala dul dhacay ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Waxii ka soo kordha Dagaalka Balad Xaawo kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com