Dhageyso: Afhayeenka Ahlusunna Gedo Isaaq Geesaweyne” Kooxaha Beledxaawo Soo Weeraray Raaskambooni Ayaa Hub Kismaayo Uga Soo Dirtay”

0

Beledxaawo (AGGM): Afhayeenka Ahlu sunna uga hadlay gobalada Gedo Sheekh Isaaq Geesaweyne ayaa sheegay in niman uu ugu yeeray koox laga soo abaabulay Kismaayo ay jabiyeen, ayna dhawaan tagi doonaan degmada Doolow, halkaas oo uu sheegay in fariisin ay dhawaan ka dhigteen kooxdaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxdaas ay weerarka soo qaadeen kaddibmarkii uu soo gaaray hub looga soo diray Kismaayo, oo ay soo gaarsiiyeen kooxda beeleedka Raaskambooni.

Sarkaalkaan ayaa horey warbaahinta uga sheegay in ay degmada Doolow ay koox yar ka abaabulayaan si ay weerar ugu qaadaan beledxaawo.

Afhayeen Ahlu sunaa ayaa tilmaamay in ciidamada dawlada iyo xoogagooda ay gobolka dhawaan ka sifeyn doonaan kooxdaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lagu eedeynayaa nin lagu magacaabo Cabdirashiid Janan oo guddoomiye degmo horey uga ahaan jiray degmada Beledxaawo, haddana wasiir ku xiggeen amaanka u ah kooxda Raaskambooni, iyo taliye unugeed la yirahdo Indho Koreey.

Kooxdaas ayaa waxaa horey loogu eedeeyay dilka Nabadoon Caan ah oo lagu magacaabi jiray Adan maxamed Inkir kaasoo ay dhawaan toogteen ciidamo hubeysan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Afhayeenka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com