Dhageyso+Fadeexad: Wasiir ku xigeen Aan Xishoon Mr. Maxamed Ismaaciil Shuuriye Oo Caadifada Qabiilkiisa Ka Tanbadisay Been Qaawana La Soo Istaagay Warbaahinta.

0

Kismaayo (AGGM): Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa ka hadlay halka ay wax u marayaan tan iyo markii uu dhawaan Kismaayo iskaga soo laabtay Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Wasiir Ku Xigeenka ayaa waxa uu si cad uga been sheegay ciidamada goobweeyn iyo shirarka been abuurka ahaa ee ay ka wadeen magaalada Kismaayo islamarkaana dhamaantood fashilka ku dhamaaday, Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay inay guul iyo heshiis ku dhamaadeen waxaana sidoo kale uu ku goodiyay cidii diida waxaan wadno waa nabad diid, taas oo ku tusinaysa caadifada qabiilka in ay ka tanbadisay, uuna yahay nin aan weli waaga u baryin Soomaalina aan waxba ka aqoon.

Wax shir ah oo lagu heshiiyay kama aysan dhicin magaalada Kismaayo, mana ay jiraan ciidamo 100 gaaraya oo ka soo goostay ciidamada dowladda ee fariisimaha ku leh (Sabca Asharaaf) Goobweyn, beenta qaawan ee lala taagan yahay Warbaahintana waxba kama ay badalayso xaalada gobolada Jubbooyinka.

Halkaan hoose ka dhageyso Wasiir ku xigeenka aan xishoon Maxamed Ismaaciil Shuuriye.

 

shuuriye

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Goobweeyn Dr. Xasan Qaasim Warsame Wareysi uu shalay siiyay Warbaahinta.

Su’aasha Maanta: Habdhaqanka Wasiir ku xigeenki hadduu sidan yahay, maxaad moodaa habdhaqanka Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed-ka u soo xushay Maxamed Ismaaciil Shuuriye inuu noqdo Wasiir ku xigeen?

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com