Dhageyso: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Oday 60 Jir Ah Ku Jirdilay Magaalada Kismaayo Iyo Barakicin Ka Socota Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo beeleedka ay dhibaato isugu jirta xarig iyo jirdil ay u geesteen dad rayid ah oo deganaa agagaarka garoonka diyaardaha ee magaalada kismaayo.

Oday Waayeel ah oo ka gaabsaday magaciisa balse sheegay inay da’adiisu tahay 60 jir ayaa sheegay in maleehsiyo beeleedka Raaskambooni ay xabsiga dhigeen oo ay ula dhaqmeen si waxuushnimo ah kana baxsan bini aadan nimada.

Waxa uu sheegay odaygaasi in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo axmed madoobe ay ilaa iminka xabsiga ku hayaan dad aad u liita oo ay sixin u jirdileen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hoolgalka amisom.

Isku soo wada duuboo tacadiyada dadka rayidka loogu geesto gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay isugu jiraan Dil, Jir Dil, Xarig, Kufsi iyo barakicin baahsan oo loola beegsanayo haybta Qabiilka ay ka soo jeedaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com