Daawo Sawirada: Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga oo u xog waramay Somalida Columbuskana Jawaabay su’aalo Kul kulul.

0

Columbus (AGGM): Boqolaal Soomaalida Columbus ah ayaa warbixin iyo xaaladda dalku uu marayo ka dhagaystay wasiirkii hore ee Gaashaan dhigga dowlada Soomaaliya C/xakiim Maxamud Xaji Fiqi oo dhawaan soo gaaray magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

ay oo wajiyo kala duwan uu goobjoog u ahaa iyo mudadii uu hayay xilka Gaashaan dhigga oo uu la kulmay caqabado badan oo dhinacyo badan ka imaanayay.

Sharaxaaad dheer ayuu ka bixiyay muddadii uu xilka hayay wixii dalka u qabsoomay iyo wixii qaldamay, waxa uu sidookale ka hadlay, Ciidanka dowlada iyo sababaha uu wax la qaban la’yahay, caqabadaha hortaagan dhamaystirka awoodda Shabaab ee dalka ka jirta sababaha loo wiiqi la’yahay iyo arimaha Gobolaysiga ama Federalka, oo ah arrin xasaasiyad weyn lahayd.

Wuxuu wasiirku aad rajo uga muujiyay himilada dalka iyo mustaqbalka fog in isbadal taam ah la gaari doono halka dowladda uu xusay in caqabado badan ay ku hor gudbanyihiin, kuwaas oo ka imaanaya meelo badan. Dhaqaalaha dowladda ayuu sheegay in uu yahay mid kooban isagoo isla markaas xusay in beesha caalamku ay muujisay in aysan raalli ka ahayn in Soomaaliya laga taageero in ay dhisato ciidan qaran oo amninga dalka hanan kara.

Dowlada Soomaaliya ayuu xusay in waxbadan ay qabatay waxna ka qaldameen, walina ay u baahantahay in ay horay u sii socoto si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah, waloow uu rajo xumo ka muujiyay suuragalnimada Doorashooyinkaasi.

Arrimaha Gobolaysiga

Arimaha Gobolaysiga ayuu wasiirku xusay in aysan suurogal noqon doonin ilaa dalka xor uu wada noqdo, iyo ilaa la helo dib u heshiisiin rasmi ah, isaga oo dhanka kale xusay in dowlada waxyabaha dhibka ay kala kulanto ay qayb ka yihiin maamulada gobolada oo aan hanaan fiyoow ku socon. Mar uu ka hadlayay arrimaha gobolaysiga ku dhisan qabyaaladda ayuu xusay in magaalooyin iyo gobollo Soomaaliya ah ay u kala qaybsanyihiin maamullo ay hormuud ka yihiin beelo kala duwan isagoo tilmaamay in iyadoo kuwaas lagu dayanayo ay beeluhu tartan ugu jiraan sidii ay maamullo ugu tartami lahaayeen. Wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri “Magaalada Baydhabo waxaa dhowaan looga dhawaaqay maamulka lixda gobol iyo midka saddexda gobol.

Waxaa kale oo niman isu yimid ay ku dhawaaqeen maamulka labada Shabeelle. Kuwo kale ayaa ka daba yimid oo ku dhawaaqay Banaadir State oo ka kooban labada Shabeelle iyo Xamar. Isla kuwo kale ayaa sheegtay in ay maamul u dhiseen Bakool iyo Hiiraan, Jubbooyinka iyo Gedo.” Arrintaas ayuu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay in dalku soo wada galo gacanta dowladda ka dibna ay dowladda Soomaaliya soo saari doonto shuruucdii hagi lahaa in la dhiso maamul goboleedyo waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Ciidanka Kenya ee Kismaayo

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo iyo guud ahaan dhibaatooyinka Soomaalida ku haysta dalka Kenya. Mudane Fiqi ayaa sheegay in hab dhaqanka ciidanka Kenya ee Kismaayo Jooga uu sharaf dhac iyo dhaawac weyn ku yahay qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. “Aniga oo ah Wasiirkii Gaashaandhigga oo ay I weheliyaan wasiirkii Garsoorka iyo Wasiirkii Warfaafinta ayaa Kenya naga hor istaagtay in aynu gudaha u galno Kismaayo. Arrintaasi ma ahan arrin shakhsi khusaysa. Waa hab dhaqan fool xun oo meel ka dhac ku ah qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku. Waxaa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay Qunsul la sheegay in Kenya u soo magacowday magaalada Kismaayo kaas oo dowladdu aysan ka warhayn. “Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka diblomaasiyadda caalamka in wakiil dowladeed oo uusan ogeyn Madaxweynaha Soomaaliya soona marin Wasaaradda Arrimaha Dibedda uu ka howl galo magaalo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Fiqi.

Al Shabaab:

Wasiirku wuxuu tilmaamay in ay Al Shabaab yihiin cadowga ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed ka hor taagan dowladnimo iyo nabad. Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladnimada isaga oo carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee Soomaaliya dhibaatada uga bixi karto ay tahay in la garab istaago dowladnimada Soomaaliyeed. “Dadka qaar ayaa ku dooda in meelaha Al Shabaab joogaan ay nabad ka jirto. Nabadda ay dadka Shabaab la jooga haystaan waxay la midtahay nabadda ay haystaan ari xero ku jira oo ninka lihi dadka kale ka ilaaliyo laakiin maalintuu doono uu neefkuu doono gowraco. Shabaabku shacabka markay doonaan ayay gowracaan iyagoo gaar u bar tilmaameedsada dadka bulshada waxtarka u leh,” ayuu yiri wasiirku isagoo ka tacsiyeeyay geerida ku timid xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle oo uu sheegay in ay soo wada shaqaynayeen illaa dowladdii Farmaajo.

Kulanka Fiqi oo aad u xiiso badnaa waxaa qeybtiisii danbe la weydiiyay su’aalo aad u kul kulul oo ka imaanayay dad afkaaro kala duwan aaminsan, haba u xooganaadeen arimaha gobolaysiga, faragalinta Kenya ee Somalia, Socdaal uu xili hore Kismaayo ku tagay oo ciidammada Kenya ka hor istaageen in uu gudaha u galo magaalada, iyo waxa hortaagan in dib loo askumo awoodda ciidan ee Soomaaliya.

Gabi ahaan Su’aalaha ayuu si asluubaysan uu uga jawaabay xilli dadka qaar ay muhiim u arkayeen in wasiirka la weydiiyo su’aalahaasi.

Barnaamijkan xiisaha leh ee kulanka wasiirka iyo Soomaalida Columbus waxaad ka dheehan kartaa muuqaalka oo dhamystiran Youtubka inaga oo dhawaan soo galin doona.

IMG_3710

IMG_5026 IMG_5025 IMG_5022 IMG_3851 IMG_3850 IMG_5021 IMG_5020 IMG_3847 IMG_5018 IMG_3843 IMG_5017 IMG_5016 IMG_5015 IMG_3819 IMG_3815 IMG_3813 IMG_3805 IMG_3803 IMG_3794 IMG_3791 IMG_3789 IMG_3784 IMG_3783 IMG_3782 IMG_3776 IMG_3770 IMG_3769 IMG_3768 IMG_3767 IMG_3765 IMG_3764 IMG_3760 IMG_3759 IMG_3758 IMG_3757 IMG_3749 IMG_3748 IMG_3747 IMG_3746 IMG_3744 IMG_3743 IMG_3741 IMG_3738 IMG_3737 IMG_3736 IMG_3735 IMG_3733 IMG_3732 IMG_3729 IMG_3728 IMG_3727 IMG_3725 IMG_3722 IMG_3721 IMG_3718 IMG_3717 IMG_3716 IMG_3715 IMG_3712 IMG_3711 IMG_3650 IMG_3647 IMG_5030 IMG_5029 IMG_5028

Deeqo Shire (SONNA)
deeqosonna@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com