Akhriso: Xog Guddigii Kismaayo Ku Sugnaa Oo Fashil La Soo laabanaya Kaddib Marikii Ay La Kulmeen Arrin La Yaab Leh

0

Kismaayo (AGGM): Magaalada Kismaayo waxaa sida wararku nagu soo gaarayaan maalmahanba ka taagnaa muran adag oo ka dhashay habkii loola dhaqmay koox ay been u sheegeen wafti ku sheegii Raisul wasaaraha ee Kismaayo dhawaan booqday.

Odayaasha iyo xubno firfircoon oo kamid ahaa guddiga howshaas lagu miishimay ayaa waxaa u cadaatay in hub laga qaaday dhawr wiil oo ay qiyaaneen, lagu wareejiyey Axmed Madoobe iyo koox beeleedkiisa Raaskambooni.

Odayaasha ayaa waxay la kulmeen wax ka badelan wixii loo sheegay taasi ahayd in Ciidamada Kenya marki ay maleshiyaadkaasi hubka ka qaadaan, ay iyagu hayn doonaan, deedna tababar kooban kaddib lagu wareejin doono hubkooda balse taasi ayaa isbadel uu ku yimid.

Mid kamid ah xubnaha tuhunka weyn uu ku dhashay oo noogu waramay qadka teleefoonka Kismaayo ayaa wuxuu sheegay in ay caddaatay  in ciidamadaas hubkoodii ay la wareegeen maleeshiyada Raaskambooni, taasoo uu sheegay inay su’aal ka keeneen.

Sarkaalka Ugu sareeya Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu gudiga nabadeynta ee laga soo diray Magalaada Muqdisho u sheegay in Amisom aysan hayn wax hub ah islamarkana hubkii ay beesha Sade ka qaday ku warejisay Axmed Madoobe.

Odayaashaan oo aad u caraysan oo ku hanjabaya in aysan beel beel hub ka qaadi Karin ayaa Axmed Madoobe hoygiisa Kismaayo ugu tagay, waxayna waydiiyeen sababta uu hubkaas u soo qaatay balse Axmed Madoobe ayaa ku jawaabay in isagu uu madax ka yahay deegaanka oo uu hubkaasina heyn doono.

Odaygaas nala hadlay ayaa aaminsan in Axmed Madoobe uu hubkaasi u qeybiyay Maleshiyaad ka soo jeeda Beeshiisa oo ahayd ujeedka ugu weyn ee hub wareejinta loo keenay.

Arrintaan waxaa waxa ay wax weyn ka badeshay mowqifkoodi odayasha iyo guddidii uu qiyaameeyay  Raisalwasaraha ee Kismaayo ku haray, Waxaana durbaba bilawday inay isu diyaariyaan safar deg deg ah oo ay ugu warcelinayaan Cabdiwali Sh Axmed si ay u gaarsiiyaan sida ay wax u dhaceen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com