Dhageyso: Maxamed Gaarane” UNHCR Waa In Ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed Wadamo Kale U Soo Qaado, Maadaama Ay Kenya Xuquuqdoodii Ku Tumatay”.

0

Brussels (AGGM): Sida uu sheegay wariye Maxamed Gaarane Aadan oo kamid ah madaxda suxufiyiinta Soomaaliya waxaa ciidamada Kenya ay si sharciga ka baxsan ula dhaqmeen saxafiyiin Soomaaliyeed oo dalkoodii ka soo qaxay.

Wariye Gaarane ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xireen wariye Xasan Sh Cumar iyo Mahad Cumar Diiriye, kuwaasoo sida uu sheegay aan lagu tixgelin kaararkoodii shaqo iyo waraaqaha aqoonsiga UNHCR oo ay tuseen booliska Kenya si ay u caddeeyaan inay yihiin suxufiyiin.

Gaarane wuxuu tilmaamay in ay foolxumo iyo wax laga naxo ay tahay in ciidamada Kenya ay sidaas ula dhaqmaan wariyayaal dalkoodii amaandaro uga soo qaxay, iyagoo baad iyo xarig joogta ahna kula dhaqma kuwa kale ee ku nool waddanka Kenya.

Suxufigaan wuxuu muujiyey in haddii ciidamada Kenya ay suxufiyiintaas ku celiyaan xeryaha qaxootiga ay taasi noqon doonto dhamaankii noloshooda maadaama ay xeryaha qaxootiga si fudud ugu beegsan karaan kooxihii ay Soomaaliya uga soo barakaceen.

Saxafigaan rug cadaaga ah ayaa hay’addaha xuquuqul insaanka, safaaradaha waddamaha caalamiga ah, iyo cid walba oo arrintaas ka danqanaysa ugu baaqay inay gacan deg deg u fidiyaan wariyeyaasha Soomaaliyeed si loogu soo qaado dalal ay ka heli karaan amaan, shaqo, iyo waxbarasho.

“Tani waxay tusaale muuqda u tahay in Kenya aysan ku haysan badbaado iyagoo dhexda uga jiro laba caddow, sidaas darted waxaan UNHCR iyo safaaradaha reer galbeedka ka codsanaynaa inay wariyeyaasha kiisaskooda si deg deg ah u eegaan, loona soo qaaxo meel ay amaan ku heli karaan” sidaas waxaa yiri Gaarane

Suxufigaan ayaa sheegay in ay taageero niyadeed, mid dhaqaale iyo mid dhinac walba ah ay la garab taaganyihiin haddii ay suxufiyiinta kale ee Soomaaliyeed.

“Saxbayaal waanu idin ognahay, xaaladaha aad ku dulqaadanaysaan, waana idin garab taaganahay aniggoo joogna caalamkood dhan”

Booliska Kenya ayaa xiray labo suxufi oo caan ka dhex ah suxufiyiinta Soomaaliyeed eek u nool magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana suxufiyiintaas ay ku jiraan xabsiyo buuxdhaafay oo duruufo adag ay ku haystaan.

Wariye Cabdixakiin Filiqey
Brussels, Belgium

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com