Afhayeenka Garabka Col. Bare Hiiraale Dr. Xasan Qaasim “100 Askari Nagama Goosan Waa Been Abuur”.

0

Sabca Asharaaf (AGGM): Dr. Xasan Qaasim Warsame Oo u waramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin ciidamo 100 askari gaaraya oo ka goostay ciidamadooda fariisimaha ku leh deegaanka Sabca Asharaaf warkaasna uu yahay mid been abuur ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay tirada ka goosatay ciidamadooda ay tahay 20 askari balse tirada tv-yada laga soo sii daayay ay tahay mid lagu dhex daray ciidimo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooniyiin.

Dhinaca kale Dr. Xasan Qaasim ayaa waxa uu sheegay inay sii wadayaan kacdoonka ka dhanka ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo dowladda Kenya ee kula dagaalantay magaalada Kismaayo.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Dr. Xasan Qaasim Warsame.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com