Galmudug oo Codsatay in La gar-gaaro Dadka ay abaaraha Saameeyen

0

Muqdisho(AGGM):Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed ayaa hadalkaan ka jeediyay mar uu ka qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnaha Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Munaasaddan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday Maamulkii hore ee gobolka Benaadir, laguna qabtay Muqdisho ayaa  ujeeddadu ahaa taageero iyo soo dhaweyn loo muujiyay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ee maamulka Galmudug, iyadoo intii ay socotay xafladda lagu soo hadal qaaday sida lagu caawin karo dadka ay biyo la’aanta ku haysato deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay munaasabadda oo goobta hadal ka jeediyay ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ugu hambalyeeyay sida uu u soo xulay xubnahaasi, iyagoo wasiirada cusub ee Galmudug ugu baaqay inay ka soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed oo gabo gabadii kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka codsaday Dowladda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Galmudug inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaarta ku haysato Gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com