Dhageyso: Siyaasi Maxamed Amiin “Talaabo Ka Dhan Ah Dowladda Kenya Ayaan Soo Saareenaa”.

0

Muqdisho (AGGM): Kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada jubbooyinka loogana hadlay waxa ka taagan Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida wax looga qaban karo siyaasadda Gurracan ee Ciidanka kenya ay ka wadaan Kismaayo iyagoona ka digay in Ciidanka kenya ay ku taageeraan maleeshiyada raaskaambooni dhibaateenta shacabka Ku dhaqan Kismaayo.

Siyaasi Maxamed Amiin oo ka mid ahaa siiyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ee kulanka yeeshay ayaa waxa uu sheegay inay cambaareenayaa falalka waxuushnimada ah ee ciidamada Kenya ka wadaan gobolada Jubbooyinka iyo kuwa ay kula kacayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxa sidoo kale oo uu sheegay siyaasi Maxamed Amiin inKenya dhaqan xumadeeda ay mareyso  heerki ugu xumeyd ee abid soo wajahda dowlad Soomaliyeed oo xataa ay xireen qunsulki Safaarada Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com