Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh” Kenya waxay noo sheegtay in qunsul aysan u soo magacaabin Kismaayo, arrintaana waan baaraynaa”.

0

Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanka markii ugu horeysay ka hadlay sheegada qunsul ku sheeg uu hoggaamiyaha Raaskambooni ku soo bandhigay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaas aysan dawlada Soomaaliya waxba kala socon, wuxuuna sheegay inay baarayaan ninka la sheegay in uu Kismaayo yimid ee sheegaya qunsulka.

“Anigu arrintaas Kenya waan waydiinay waxayna noo sheegeen inaysan jirin cid ay u soo magacaabeen Kismaayo, ayna Kenya ogtahay oo kaliyah safiirkooda magaalada Muqdisho jooga”.

Arrintaan ayaa haddii ay soo caddaado waxay kashifaad iyo foolxumo weyn u tahay hoogaamiyaha Raaskambooni oo horey ugu sifoobay been iyo in uu u ku shaqeysto calooshood u shaqeystaal uu Kismaayo keensaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com