Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Xirey Ganacsigii Xaafada Shaqaalaha,Dhac & Boobna Ka Geystey

0

kismaayo81Kismaayo(AGGM) Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka laga soo dawaafiyey Degaanada kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay ayaa maanta dhibaato baahsan ka geystey Xaafada Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo,waxaana ay halkaasi ku xireen dhamaan goobihi ganacsiga ee xaafada Shaqaalaha ka jirey.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay sidoo kale xabsi u taxaabeen Ganacsato tiradooda lagu sheegay 30 ruux oo dhamaantood ka soo jeeda Gobollada Jubooyinka,waxaana la sheegayaa inay dadkaasi u geysteen jirdil baahsan iyagoo sidoo kalena dhac baahsan ka geystey xarumihi ganacsiga ee ku yaalay Xaafada Shaqaalaha.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa shacabka degan Xaafada Shaqaalaha ku eedeyey inaysan kala shaqeyn dhinaca amaanka,waxaana ay sheegeen inaysan ku sii ganacsan doonin Xaafadaha Shaqaalaha,waxaana dadka xaafada ay ku asqeysiiyeen rasaas lixaadleh taasi soo sababtey inaysan dadku guryahooda ka soo bixin iyadoo qaarkood loogu galay guryaha & goobaha ganacsiga isla markaasna dhac baahsan loo geystey.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa inta badan markii uu Dil ama Qarax ka dhaco Kismaayo, waxa uu Maleeshiyadiisa ku amraa in ay tagaan Xaafadaha ay degen yihiin Qabaa’ilka aan ahayn kan uu isaga ka dhashay, oo ay Falal isagu jira Dhac, Kufsi & Boob u geestaan Shacabka.

Ugu dambeyntii waxa dhacdani ku soo beegmaysaa xilli ay Magaalada Kismaayo ka wadaan kooxo tageerayaal u ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni waxay ugu yeereen dib u heshisiin,waxaana dhinaca kale ka socda dhac iyo barakacin lagu hayo shacabka Soomaaliyeed,mana jiraan cid si dhab ah uga hadashay xaaladaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com