War Deg Deg Ah: Balad Xaawo Oo Caawa Foolanaysa Iyo Gurmadyo Soo Kala Gaaraya Dhinacyada Isku Haya.

0

Balad Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in ay isku horfadhiyaan ciidamada Ahlusunna Waljamaaca iyo maleeshiyaad ka amar qaata kooxaha ku sugan doolow ee taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in galabta dhinacyadan oo ku kala sugan xarunta degmada iyo salddhiga booliska ay helayaan gurmadyo ka kala imaanaya Doolow iyo Garbahaarey.

Magaalada Balad Xaawo ayaa caawa waxa ay la ciir ciireeysaa gurmadyada ka kala imaanaya deegaanada Gobolka Gedo, Waxgaradka magaalada ayaa wax ay isku dayeen inay u kala dab qaadaan dhinacyada isku haya magaalada Balad Xaawo, dhanka Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca waa ay soo dhaweeyeen halka Saraakiisha hogaaminaysa maleeshiyada Doolow ay rasaas soo huwiyeen Waxgaradki u tagay.

Maleeshiyada Doolow ee taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa dhawaanahan waxa ay ku sugnaayeen degmada Doolow oo ay isku aruursanayeen, qorshahooda duulaana waxaa abaabulayay dhaqaalahana ku bixinayay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo kooxda daba yaacda.

Dhinaca kale waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ay maleeshiyaad ay soo tababartay dowladda Kenya ay ka wadaan deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo iyaga oo la filayo inay weerar iyaguna ku yihiin magaalada Balad Xaawo.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin waxa ay ku waabariisan doonto xaalda murugsan ee magaalada Balad Xaawo, waloowse leeys oran karo markaad si dhab ah u fiiriso xoreeynta Baardheere waxaa ka soo hormaraysa xoreeyta Doolow.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com