Guusha Cabdiweli Sheekh Oo Noqotay Inuu Hub Isugu Dhiibo Dadka Gobolka Gedo Ee Uu U Dhashay.

0

Akhristoow aduunka maalinba nooc ka mid ah noocyada abuurta ilaaheey ah ayaad ku arkeeysaa dunidan aanu joogno balse noocan oo kale waa uu inoo dhimanaa in aanu aragno.

R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu u tafa xeeytay siduu colaad uga hurin lahaa dhulki uu isagu ku dhashay kana soo jeeday ee gobolka Gedo.

Mr. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhaqaalo badan waxa uu waayahan ku bixnayay maleeshiyaad lagu aruurinayay degmada doolow ee gobolka Gedo, si ay gacanta ugu dhigaan degmada Baled Xaawo ee isla gobolkaasi.

Ayaan daro waxaa ah maanta in iyadoo lagu jiro 2014 uu R/wasaare Cabdiweli Sheekh dab la dhex wareegayo dhulki uu ka soo jeeday dhaqaalena ku bixinayo sidii loo barakicin lahaa adeerki, eedadi, ilma adeeradi iyo dhamaan ciduu u nasab sheeganayay.

Waxaa kaloo ayaan dara ah in dalkeena hooyo oo  ka jirin wax dowlad ah oo awood leh difaacdana xuquuqda dadka in R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu yiraahdo “BEESHA SADE HUBKEEDA HAKU WAREEJIYAAN BEESHA KABLALAX”. Waase haddii laga yeelo warkaas ka soo yeeray.

Sidoo kale waxaa ayaan dara ah markii R/wasaare Cabdiwe Sheekh Axmed markii loo qabsaday oo lagu yiri maxay tahay warkaa kaa soo yeeray inuu dhaar iyo kitaab isku qaaday iyadoo loo hayo cadeeymo iyo marqaatiyaal inuu yiri warkaas.

Ummada Soomaaliyeed waxaa ku habsatay musiibo iyo ihaano haduuba R/wasaare u yahay Cabdiweli Sheekh Axmed oo aanu aragno habdhaqankiisa. Ninkii Tiisa Daryeela Yaa Tukalena Ku Dara, wakaa Inna Sheekh Axmed colaada ka abuuray gobolka Gedo. mase leeys oran kaa waa ayaan daro hadaan laga hortagin oo aan leeys ka dhicin?

Gabgabadi waxaan baaq u dirayaa dhamaan Waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha waa hadaaba leenahaye ee gobolka Gedo inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hortagaan colaada Cabdiweli Sheekh iyo kooxdiisa ka ababauleen gobolka Gedo ee la doonayo in Maxaastooda qaarna lagu laayo qaarna lagu barakiciyo, qaarka soo harana la gumeeyo.
Wa Bilaahi Towfiiq

Maxamed Siciid Cali
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com