Daawo: Horjooge Cabdiweli Shiikh & Axmed Madoobe Oo Amray In 600 Oo Qoys Hal Beelna Ka Soo Wada Jeeda Kismaayo Laga Saaro

0

Kismaayo(AGGM) Horjoogaha dhawaan ku biirey Maleeshiyaadka Raaskambooni ee lagu Magacaabo Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo sheegta inuu yahay Raisalwasaaraha Soomaaliya ee gabalkiisu sii dhacayo & Horjoogaha kale ee barakiciinta, dilalka qorsheysan & xasuuqa ka wada Magaalada Kismaayo oo isna lagu magacaabo Axmed Maxamed Islaan ( Axmed Madoobe) ayaa la sheegay inay go,aan ku gaareen in Magaalada Kismaayo laga sifeeyo qabiilooyinka yar yar ee waligood ku noola goboladda jubooyinka.

Eng Yarow Shariif Adam isla markaasna ah nin ka soo jeeda gobolladda Jubooyinka isla markaasna ah Gudoomiyaha dadka Reer Goleedka ayaa shaaciyey in dhawaan markii Cabdiweli Shiikh Axmed Magaalada Kismaayo tagay uu kulamo gooni ah la yeeshay Waxgarad uu ku tilmaamay inay matalayaan beelaha darood balse aan ka talinayn dadka umadda tiradda badan ee ku dhaqan gobolladda jubooyinka.

Labada horjooge ayaa la sheegay inay kula taliyeen kooxihi iyaga tageersanaa ee ay ku tilmaameen waxgaradka in la barakiciyo dhamaan beelaha kale ee ka soo jeeda goboladda jubooyinka isla markaasna aan ku abtirsan New Darood wax ay ku tilmaameen,waxaana la sheegay in kooxda Axmed Madoobe talaabadaasi ku dhaqaaqday isla markaasna ay markiiba bartilmameed sadeen qoysas badan oo ka soo jeeda beesha jareerweyne,waxaana si khasab ah looga saaray Magaalada Kismayo.

Sidoo kale Eng Yarow waxaa uu daboolka ka qaaday in dadkaasi oo asalkoodu ahaa kuwii degaan ahaan u lahaa degaanada Jubooyinka si bareer ah loogu sheegay inaysan xitaa Maydkooda ku aasan karin Magaalada Kismaayo,waxaana uu ku tilmaamay inay tahay arrin aad looga xumaado isla markaasna ah takrifal lagu takrifalayo shacabka Soomaaliyeed.

Eng Yarow Shiikh Adam waxaa uu sheegey in arrintaasi ay ka masuul yihiin Horjoogaha dawlada federaalka ahi u magacawday xilka Raisalwasaarihimadda Soomaalida balse isagu hadda u taagan nin boorka ka jafaya arrimihii ka socday dalka soomaaliya mudada 22 sano ah isagoo ilaashana shilimaadka ka soo baxaya dekedda Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegaya in intii uu ku sugnaa Magaalada Kismaayo uu si toos ah uu shirar ula qaatey koox isaga tageersan uu uu ku tilmaamay inay ka taliyaan Masiirka Beesha New Darood,waxaana uu sheegay inay hantaan dhamaan dhulka goboladda Jubooyinka iyo shabeelooyinka qaybo ka mid ah isagoo arrintaasi u xil saaray inay Maleeshiyaadka Raaskambooni ku talaabsadaan inay mideeyan waxay ugu yeereen NEW DAROOD.

Halkan ka Daawo Eng Yarow Shiikh Aadam

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com