War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Nin Rayid Ah Ku Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay gudaha magaalada ku dileen nin rayid ah.

Allaha u Naxariistee Marxuumkan iminka ay dileen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay Cumar Yare.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa marxuum Cumar Yare uu ahaa nin si aad ah dadka ay u yaqaaneen waloow aynaan helin faah faahin intaas ka badan.

Isku soo wada duuboo sida caadada u ahayd ma ay jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen dilka marxuumkan mhorjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com