Sir Fakatay: R/wasare Cabdiweli Sheekh Axmed “Col. Bare Hiiraale Iyo Axmed Madoobe Ma Ahan Rag Siman”.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan  kulan dhexmaray qaar ka mid ah siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Sade iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed leeysku  af dhaafay ka dib markii uu Cabdiweli Sheekh Axmed yiri Col Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe ma sina.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa R/wasaare Cadbiweli Sheekh Axmed uu si cad siyaasiyiintan ugu yiri ma sina  Col. Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe, Siyaasiyiintan ayaa si aad ah uga carooday hadalka uu ku yiri waxa ayna weeydiiyeen Cabdiweli Sheekh Axmed Col. Bare Hiiraale haduu dagaal ooge yahay, Axmed Madoobe maxuu yahay?

R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Ayaa siyaasiyiintan ugu jawaabay Axmed Madoobe waa Madaxweyne dad iyo deegaan xukuma.

Siyaasiyiintan ayaa si aad ah uga carooday waxayna ka kaceen fadhigii isagoo fadhiya waxayna ku dhaheen waxaa noo  balan ah adiga iyo Axmed Madoobe inaan idinla galno dagaal cad, waxayna uga soo baxeen xafiiskiisa.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiwe Sheekh Axmed ayaa waxa uu si toos ah iyo si dadbanba uga tirsan yahay  maleehsiyo beeleedka Raaskambooni, waxuuna mar walba qeeyb weeyn ka qaataa sidii loo bur burin lahaa wooda  beesha SADE haddii ay ahaan lahayd mid dhaqaale, mid Siyaasadeed iyo mid deegaanba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com