Maleeshiyaad Taabacsan Axmed Madoobe Oo Lagu Aruurinayo Degmada Doolow.Yaase Ka Dambeeya Abaabulkooda?

0

Doolow (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada doolow ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu aruurinayo maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in maleeshiyaadkan oo gaarayso tiradooda ilaa hadda 120 uu aruurinayo Cabdirashiid Janan looguna talagalay markii ciidamada gobolka Gedo ay u dhaqaaqaan xoreeynta deegaanada kale ee gobolka ee ku jira gacanta Al Shabaab lagu dhabar jabiyo.

Sidoo kale warkan ayaa waxaa lagu sheegayaa in maleeshiyaadkan loogu talagalay inay weerarkooda ugu horeeya ay ku qaadaan degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyaadkan ayaa abaabulkooda waxaa ka dambeeya R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Axmed Madoobe, Maxamed Ugaas Xaashi, Gen. Fartaag,Col. Indhoraadeer iyo rag kale oo isqarinaya balse dhawaan iyagu iskood isu soo shaac bixinaya, maamulka, saraakiisha ciidamada iyo Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolka Gedo ayaa si aad ah ula socda dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadkan kana foojigan qorshahooda guraca, Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa waxa ay wacad ku mareen haddii ay dhaq dhaqaaq dhaafsiisan degmada Doolow sameeyaan Maleeshiyaadkaas inay xoreeynta Baardheere iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo ka hor marinayaan xoreeynta Doolow.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa qori dab ah la dhex wareegaya gobolka Gedo bal aanu dhoowrno cidii ku gubataa qorigaas dabka ah ee uu la wareegayo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Kooxda cusub ee Lugta Digaaga siisanaya dadka u nasab sheegta gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com