War Deg Deg Ah: Dagaal Culus Oo Ka Socda Xabsiga Weyn Ee Hargeysa & Shabaab Ka Dagaalamaya

0

Breaking_NewsHargeysa(AGGM) Waxaa hadda Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ka socda Dagaal qoryaha fudud laysu adeegsanayo uu u dhexeya ciidamada asluubta Maamulka Somaliland & Maxaabiis loogu tuhunsanaa inay yihiin Alshabaab oo halkaas ku xirnaa Mudo badan.

Maxaabiista Xabsiga ku jirtey ayaa la sheegay in markii xilli qadada la gaaray ay weerar ku qaadeen ciidamada asluubta ee xabsiga isla markaasna ay la wareegeen hub ciidamada asluubtu lahayeen,waxaana la sheegayaa in qaarkood banaanka uga baxsadeen xabsiga iyadoo ay wali jiraan qaar gudaha ka dagaalamaya.

Sidoo kale ciidamada kala duwan uu isugu jira Mileteri iyo boolis ayaa la sheegayaa inay u soo gurmadeen ilaalada xabsiga oo laga awood roonaaday,waxaana la sheegayaa in wali lagu dagalamayo gudaha xabsiga iyadoo la sheegay in kooxaha maxaabiista ahi la wareegeen xafiisyo hubka ay dhigan jireen ciidamada Asluubtu oo ku yaala gudaha Xabsiga.

Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa kacsan,waxaana la sheegaya in qaar ka tirsan ciidamada asluubta iyo maxabistii xabsiga ku jirtrey qaarkood geeriyoodeeen iyadoo ay jiraan qaar kale oo dhaawacyo soo gaareen,waxaana wararku intaasi ku darayaan in xaaladu kacsan tahay oo wali lagu dagaalamayo gudaha xabsiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com