Dhageyso: Xaawo Ugaas Faarax oo hadal ka nixiyey u sheegtay kooxdii Raaskambooni markii ay ka soo degtay garoonka Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Geesiyada, halgamaaga, halyeeyada Xaawo Ugaas Faarax Ugaas Cali Xaabuun oo shalay markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyada oo la socotay waftigii odayaasha beesha SADE ee ka yimid magaalada Muqdisho ayay sheegtay hadal aysan ku farxin dadkii goobta fadhiyey ee kooxda Raaskambooni oo uu kamid ahaa horjooge Fartaag Kaambooni.

Halgamaa Xaawo Ugaas Faarax oo caanka ah magaalada Kismaayo ayaa u sheegtay koox beeleedka Raaskambooni hadal ay garan waayeen rag badan oo kamid ahaa raggii la socday ee ka hadlay goobta, kuwaasoo lagu indho daran dariyey soo dhawayn beenbeenaadkii ay u sameeyeen koox beeleedka Raaskambooni, iyagoo dano gaar ah ka leh.

Halgamaa Xaawo Ugaas Faarax ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn maamul Jubbaland la yirahdo oo ka dhisan Kismaayo balse iyadu ay u taqaano Kismaayo meesha ay joogto.

Col iyo Nabad nabad baa fiican, balse nabada waa mid aana waxba ku jirin ee aan lagu kala sareynin” ayay sheegtay geesiyada SADE ee Xaawo Ugaas Faarax.

Halkaan ka dhagayso hadalka ay sheegtay geesiyad Xaawo Ugaas Faarax

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com