Dhageyso: Faysal Cali Waraabe” Ma Ahayn In dawlada Soomaaliya ay Axmed Madoobe Uu Sixiixdo Jubbooyinka Waayo Awood Kuma Lahan Deegaanka”.

0

Nairobi (AGGM): Guddoomiyaha Ururka Mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliil culus u soo jeediyey dawlada Soomaaliya, oo uu sheegay in ay dadka ku qasbayso dad aan deegaanka Jubbooyinka awood ku lahayn.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay qalad ahayd in iyadoo dadkii deganaa Gedo iyo Jubbada dhexe aysan ka soo qeybgalin maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka ay dawlada Soomaaliya aqoonsato horjooge duulaan ku yimid dhulkaas waa Axmed Madoobee.

“Sidee u dhici kartaa in dadkii lahaa dhulkaas oo aana ka qeybgelin heshiis iyo maamulka oo dhulkoodii la haysto in dawlada ay u ansixiso in dhulka ay haystaan koox aan awood lahayn, oo dadkana loogu qasbi karaa arrintaas” Ayuu yiri siyaasigaas oo dalka Jarmalka ku sugan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirkii Addisababa aan loo dhamayn, oo ay ku heshiiyeen kooxo yar oo aan awood lahayn.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Faysal Cali Waraabe.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com