Dhageyso: Col. Barre Hiiraale “Wax Shir Ah Iyo Wax Wadahadal Ah Oo Leeyskugu Keenay Garabyada Ku Dagaalamay Magaalada Kismaayo Majiraan,Shir Dib u Heshsiin Ah Oo Furmayna Majiro”.

0

Goobweeyn (AGGM): Cabdiweli Sheekh Axmed, oo muddo 7-aad ah joogay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu furay sida la sheegay wax loogu yeeray shir dib uheshiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafka iyo colaadda ka taagan gobolka Jubbada Hoose.

Col Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) ayaa la dhacsaneyn oo gaashaanka u daruuray isagoo jooga duleedka magalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, waxa uu khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, oo waydiiyey waxa uu uga qeyb gali waayay shirkan lagu sheegay dib u heshisiinta ee ka bilwday magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Col. Bare Ade Shire ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo Cabdiweli Sheekh Axmed aysan ka wada hadlin shir dib u heshiisin ah balse ay ka wada hadleen oo kaliya ciidamada in la soo xareeyo lana musaafuriyo Col. Bare Aden Shire iyo saraakiisha ciidamdiisa hogaamisa, taas oo uu ku tilmaamay wax aan noo cuntamayn islamarkaana ah wax ka fog caqli bini’aadamka.

Waxaa sidoo kale Col Bare Hiiraale uu sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah iyo wax shir ah oo leeysugu keenay garabyadi ku dagaalamay magaalada Kismaayo taasina ay ku tuseyso inaysan jirin wax shir ah oo dib u heshiisn ah oo la dhex dhigay garbayada dagaalamay.

isku soo wada duuboo Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo wajigabax iyo ceeb ay ka soo raacday magaalada Kismaayo ka dib amrkuu la saftay garab ka mid ah garabyada isku hayay magaalada Kismaayo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com