Dhageyso Afhayeenka Odayaasha Jubbooyinka” Raisul Wasaare Cabdiwali Bam Ayuu Gaanjada Ka Siibay,Wuuna Kaga Tagay Kismaayo, Waana Nin Qandaraas Soo Qaatay”.

0

Kismaayo (AGGM): Nabadoon Cabdirashiid Maccalin Xuseen Gaas oo ah afhayeenka odayaasha Jubbooyinka, oo isagoo magaalada Kismaayo ku sugan qadka teleefoon noogu waramay ayaa sheegay in safarkii raisul wasaaraha uu ahaa shirqool maadaama uusan wadanin wasiiradii ku shaqada lahaa howlaha nabadeynta ee la qaban lahaa, sida wasiirkii arrimaha gudaha, amniga iyo cadaalada, wuxuuna yimid kaligiis isagoo qorshe jeebkiisa la yimid.

Nabadoon Cabdirashiid ayaa sheegay in Cabdiwali uu magaalada Kismaayo keenay bam, sida uu hadalka u dhigay islamar ahaantaasina uu guluf dagaal iclaamiyey.

“Ninkaad sheegayso adeer Bam ayuu Kismaayo keenay, wuuna kaga tagay “

Nabadoon Gaas ayaa sheegay inay fileyeen in hantidii, dialkii, burburkii iyo ciidamada magaalada ka maqan laga wadahadlo si siman, wuxuuna sheegay in Raisul wasaaraha uu hadal ka billaabay isa soo dhiiba, taas oo uu sheegay inaysan caqli gal noqon karin.

Nabadoonka ayaa sheegay in xaalku uu ahaa in boog markii la dhayayo si caqli wanaagsan ah, iyo deganaan in lagu abaaro balse aysan ahayn in digdiglayn iyo cagajugleyn qabyaaladeysan ay ku goodiyaan kooxda Maxamed Cabdi Afeey.

“Maxamed Cabdi Afeey waa keenyaati, maxaa ka galay Kismaayo, anaguna waxba kama waydiinayno Kismaayo ninkaas, anagaa deegaanka u dhalanay”. Ayuu yiri

Isagoo sii hadlayay, oo ka hadlayay raisul wasaare Cabdiwali ayaa waxaa uu yiri “Ninkaas dhib ayuu Kismaayo keenay, dhibna wuu kaga tagay”.

“Adeer wuxuu naga diiday in uu naga dhagaysto caddeyntii aanu haynay iyo wixii aanu tabanaynay oo aanu keydinay maalin walba dhibaatada iyo burburka lagu hayo umaddaan”. Ayuu yiri

Nabadoonka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabyeey” Raisul wasaaraha ninkaan aad leedahay qandaraas ayuu Kismaayo la yimid”.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Nabadoonka.

Maankeey Aalloos

Kismaayo, Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com