Daawo: Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Gaaray Taleex,Jawaab Culusna U Diray Maamulka Somaliland.

0

Taleex (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada qadiimiga ah ee Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay gaareen Xildhibaan Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayay oo ugu Horayn ka hadlay iyagoo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Taleex Ayaa Shacabwaynaha Reer Taleex ku Hambalyeeyay Sidii Ay Isaga Caabiyeen ciidamada Soomaliland ee ku soo duulay.

prof Galaydh ayaa Wuxuu sidoo kale Jawaab adag Ka bixiey Hadalo Been Abuur Ah oo Saxaafada Ay soo Mariyeen maamulka Somaliland kuwaasi oo Sheegayay Inay wada hadal la gelayaan Porf. Cali Khaliif.

Waxaa sidoo kale Goobta ka hadlay Dr. Cali Ciise Cabdi, Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Col. Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) iyo Garaad Maxamuud Cismaan ( Mashaqare) iyo mas’uuliyiin kale oo kamida Golaha Dhaqanka maamulka Khaatumo.

Halkan Hoose Ka Daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com