War Cusub: Guuxa Gobolka Gedo Iyo Maleeshiyo Beeleedyo Xoojinaya Qabashada Baardheere.

0

Garbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedyo iyo reer miyi fara badan ay bilaabeen isdiiwaan galinta si ay u xoojiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Baardheere.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadka shacabka ah ee daga gobolka Gedo ay bilaabeen kacdoon ay ku doonayaan in gacanta lagu dhigo magaalada Baardheere, si ay uga hortagaan qorshayaasha guracan ee ka socda magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo kacdoon ah ay ka biloowdeen dhamaan deegaanada ku dhow dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose kaasi oo ay wadaan maleeshiyo beeleedyo u badan dadka reer miyiga ah ee dagan gobolkaasi.

Dhinaca kale ilo wareedyo ku sugan magaalada baydhabo oo u waramay Wabaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegeen in maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol ay iyaguna dhankooda ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni .

Isku soo wada duuboo xaalada iyo guuxa ka soo yeeraya deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo yeeshay weji cusub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com