Socdaalkii RW C/wali Sheekh Axmed Iyo Dhamaadkii Siyaasadiisa.W/Q.Sheekh Xasan Faarax

0

Akhristayaasha sharafta leh waxaan maanta qormadaan ku eegaynaa sida aad ku arkaysaan cinwaankayaga qormadaan waa socdaalkii RW C/wali uu ku tagay magaalo xeebeedka kismaayo oo muddo sanad iyo bar ah ay ka jirtay khilaaf siyaasadeed oo ay xal u wayday Dawlada Federaalka Soomaaliya hada ka horna ay tageen madaxda dawlada ugu sareeya iyo waliba wasiiro, xildhibaano, inta badana la ogyahay natiijadii ay kala soo kulmeen, hadaba waa maxay sababta keentay in xal waara laga gaari waayo khilaafkaas hareeyey daganaashaha magaaladaas.

Hadaan ka jawaabo aragtidayda waxaan u arkaa sidan.

1-Waa faragalin shisheeye oo ay ku hayaan dawladaha dariska ah oo dano ka leh gobolka iyo guud ahaan dhulka soomaaliyeed oo doonaaya qaybi oo xukun iyo waliba wadamada caalamka oo iyaguna doonayn in xal laga gaaro dhibaatada ka jirta dhulka soomaaliya.

2-Dawlada soomaaliya oon lahayn awood ay ku hanato dhulka soomaaliyeed mid amni iyo waliba mid siyaasadeedba taas oo keentay in wadamada darisku ay maamushaan dhulka soomaaliyeed ayna ka samaystaan xulufaysi u adeega iyaga danahooda taas oo hada maraysa in ay xiriir la samaystaan ilaa heer degmo.

Hadaba hadaan usoo noqdo qormadaydii waa iga su,aale maxay ku kala duwanaayeen madaxdii hore oo booqashada ku tagay.magaalada kismaayo iyo C/wali sheikh axmed.

Waxaan isleeyahay waxay ku kala duwanaayeen madaxdii hore waxay fahansanaayeen meesha dhibta ka jirta waxba yeysan kaba qabanine waxayna arkayeen in magaaladaaan ay deegaan u tahay shacabka soomaaliyeed ee aysan qolo kaliya dagin isla markaasna ay magaaladu ay gacanta uGu jirto ciidamada Kenya iyo jabhada raaskambooni oo ah farac ka tirsan JABHADA ONLF garabkeeda soomaaliya oo aad garanaysaan magaca ay wataan inay tahay meeshii lagu tababari jiray jabhadaas ONLF.

Sidaas darted ayey dawalada tabarta daran waxay isku dayday inay xal ka gaarto dhibaatada magaalada kismaayo waxaana uga xoog batay jabhada raaskambooni iyo ciidamada Kenya walow ay meel kasta dacwad geeyeen hadana waxaba lagu amray inay la heshiiyaan jabhada raaskambooni taas oo macnaheedu yahay in jabhada meesha lagu ogyahay waxayna dawladu aqbashay inay la heshiiso jabhadaas oo ay dhinac marto dhibaatadii ka dhacday magaalada kismayo oon dhagba jalaq loosiin.

Sikastaba ha aheetee waxaa heshiiskii ADDIS ABABA qorayey in shir dib ueshiisiin lagu qabto magaalada muqdisho oo la iskugu keeno dhinacyadii ku dagaalamay magaalada iyo waliba dhamaan beelaha deegaanka ah, shir kalana lagu qabto magaalada kismaayo kaas oo la doonaayey in lagu sameeyo dibu heshiisiin buuxda iyo waliba awood qaybsi si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobolada jubooyinka waxaana ka mid ahaa heshiiskii ay wada galeen horjooge axmed madobe iyo dawladu in la fuliyo heshiiskaas cidii baal martana loo aqoonsan doono qaswade isla markiiba waxaa baalmaray horjooge axmed madoobe isagoo dhistay waxuu uGu yeeray wasiiro dawladiina kama aysan hadlin umana aqoonsan inuu yahay qaswade.

Taas badalkeeda waxaa magalada kismaayo tagay RW/C/wali sheikh axmed oo u muuqda nin siyaasadu ku cusubtahay wax badana aan kala socon arimaha magaalada kismaayo marka laga reebo danaha uu ka leeyahay oo gaarka u ah isaga.
RW/C/wali waxuu markuu yimid magaalada loo sameeyey indhosarcaad uusan waligiis arag waxaana loo soo dhaweeyey silayaab leh taasbuuna ku qancay waxuuna sheegay inuu aqoonsan yahay maamulka axmed madoobe isagoon eegin dhibaatada meesha taal oo ay ka mid tahay xasuuqa,kufsiga, dhaca, xariga aan loo meeldayayn,C/wali waxaa laga sugayey inuu umadii deegaanka ahayd ee colaadu dhexmartay uu gogol nabadeed u fidiyo AMA iskaga tago haduusan waxba ka qaban Karin taas baana cadaaladu ku jirtay.

RW/C/wali taas badalkeeda waxuu sameeyey in uu u yeeray odayaal isaga ku hayb ah uuna ku amray soo xareeya ciidanka hubkana waxaa lagu wareejinayaa maamulka jubba ee uu madaxwaynaha ka yahay axmed madoobe dood badan ka dib iyo wada hadal ka dib waxaa odayaashii ku yiraahdeen mudane waxaan kaa sugaynaa waa cadaalad ee cadaaladaadu ma sidaanbaa? C/wali waxuu ku adkaystay inay fuliyaan amarkaan ama ciidanka waxaan ku amrayaa ciidamadii markii horaba ka saaray ee Kenya.

RW C/wali ood moodo in uu hada soo baraarugay ayaa waxaa kamid ah erayada uu adeesanayey dhulkaan waxaa iska leh beesha DAAROOD waxaana duulaan ku soo ah beesha HAWIYE oon ogolayn inaan yeelano labo maamul goboleed waa puntland iyo jubaland.

Isku soo duuboo waxaan hirgalin fariintii uu siday mudane c/wali oo ay odayaashii ogaadeen meesha looga soo dhiibay, isla markaasna ay u cadeeyeen inaysan ciidan soo xaraynayn ee ay yiraahdeen samee waxii aad samayn lahayd taas oo soo afjartay siyaasadii fadhiidka ahayd ee C/wali Sheikh Axmed.

Hadaba C/wali ma noqonkaraa mas,uul dhexdhexaadin kara khilaafka u dhaxeeya shacabka dega gobolada jubooyinka iyo guud ahaanba dalka somaaliya, jawaabtu waa maya waana mida igu kaliftay inaan u dor bido cinwaankaygii ahaa socdaalkii C/wali iyo dhamaadkii siyaasadiisa.

Hadaba waxaan ka codsanayaa dhamaan umadda soomaaliyeed inay la yimaadaan xisaabtan dhab ah oo ay kula xisaabtami karaan mas,uuliyiintooda taas oo uu ku mudan karo abaalmarin iyo xilka qaadisba hadii taas lahelo waxaa yaraanaya ku tagrifalka awoodeed, musuqmaasuqa,dhaca hantida dadwaynaha IWM.

Marlabaad waxaan ka codsanayaa xildhibaanda sharafta leh inay uyeeraan mudane C/wali sheikh axmed su,aalana laga waydiiyo safarkiisa kismaayo ma guulbuu ka keenay mise umaddii soomaaliyed oo uu mas,uulka u ahaa ayuu dab dhexdhigay, iyo waliba inuu aqoonsaday jabhadii raakambooni ee aan hoos imaan dawlada federaalka .

10261891_755771367790963_1678831408_n

W/Q.Sheekh Xasan Faarax

Qormadaan waxaa nasoo gaarsiiyey magaca kor ku qoran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com