Dhageyso:Odayaal Al-shabaab ay ku Xireen Gobolka Mudug

0

Xarardheere(AGGM):Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Odayaal ku Xirxiray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana la sheegay in Odayaashaa ay gaarayaan ilaa iyo 5 Oday.

Waxaa la sheegay in Al-shabaab Odayaasha ay ku Amreen in ay Dhiibaan Xoolo iyo Lagaco ay ku sheegeen  Sakawaad.

Rooble Max’ed Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Degmada Xarardheere ayaa Warbaahinta  u sheegay in Dadka Al-shabaab ay Xireen uu ku jiro Adeerkiis oo 82 Sano jir ah.

Rooble ayaa sheegay in ay Al-shabaab Dacwo ugu tageen  kana Codsadeen in Odayaasha ay Xireen la siidaayo laakiin ay kabiya diideen Dalabka Shacabka Al-shabaab.

Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa  Goobaha ay ka Arimiyaan Dalka waxaa ay ku dhibaateeyaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku hoosnool.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Isha ku hay Allgalgaduud media

Allgalgaduud@gmail.com