Dhageyso: R/wasaaraha oo la qiray inuu kamid noqday Raaskambooni iyo isagoo umadda Soomaaliyeed ka doortay jabhad qabiil. Bal maanta muxuu Muqdisho kula laaban doonaa?

0

Kismaayo (AGGM): Raisul wasaare Cabdiwali Sh Axmed oo magaalada Kismaayo muddo 7 aad ah ku sugnaa ayaa waxaa uu degganaa hoyga Axmed Madoobe ee magaalada kismaayo halkaasoo ah madaxtooyadii astaanta u noqotay koox beeleedka ONLF ee dadka qaarna u yaqaanaan Raaskambooni.

Iyadoo tan iyo maalintii uu soo degay ay safarkiisa hareeyeen dulduleelo iyo madmadoow looga shakisanyahay xiriirka uu la leeyahay kooxda Keenyaatiga maganta u ah ee Raaskambooni ayaa waxaa si cad u fashiliyey arrintaas kulan shalay galab ay kooxda Raaskambooni ugu qabatay si ay ugu sakootiyaan mudane Cabdiwali…

Cabdiwali oo sida aad ku aragtaan sawiradaas hooyo ay wajigiisa ka muuqato bahdil iyo karaamo xumo kaddibmarkii uu iska dhaaf cid kale, beeshiisii ku qancin waayay qorshe cad oo ku aadan habka loo marayo dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo wax wada qeybsiga maadaama umadda Soomaaliyeed aysan waxba ku qabsan Kismaayo.

Sida aan wada ognahay maamul ku sheega horjooge Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku yimid qori caaridiis kaddibmarkii ciidamadii Kenyaanka ah ee magaalada Kismaayo qabsaday ay umadda Soomaaliyeed ku sanduliyeen inay si qasab ah ku soo xaadiraan hoolkii jaamacada Kismaayo ee kooxda Axmed madoobe lagu caleemo saarayay taas oo ay ka biyo diideen beelaha Soomaaliyeed ee Jubbooyinka degan.

Hoos ka dhagayso sida ay warbaahinta u soo bandhigeen xiriirka Cabdiwali iyo jabhada ONLF ee hadda loo yaqaano Raaskambooni.

Mahad Labagare
Kismaayo, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com