Dhageyso: Dhaqdhaqaaq lagu qabanayo Baardheere oo cabsi geliyay Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Dhaqdhaqaaq la doonayo in lagu qabto degmada Baardheere deedna ay ciidamadu u gacansiiyaan ciidanka goobweyn ku sugan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo deegaanada Buurdhuubo iyo Garbahaareey.

Sarkaal ka tirsan ciidamadaas ayaa si hoose noogu xaqiijiyey in ciidamada markii ay Baardheere qabsadaan ay ku sii fidi doonaan illaa deegaanada Jubbooyinka, iyagoo gaari doona illaa Kismaayo.

Qabashada Baardheere ayaa sidii horey loogu qorsheeyay laga soo dedejiyey, iyadoo arrintaas aysan ku farxinin caddowga ciidamadaas, kuwaasoo aana raalli ka ahayn in ciidamadaas ay gacan siiyaan ciidamada uu hoggaamiyo Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale. Waxaana jira xiriir joogta ah oo ay leeyihiin labada ciidan ee Goobweyn iyo ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

Warbixinta dhaqdhaqaaqa ciidan ee Baardheere lagu tagayo halkaan ka dhagayso.

Mahad Labagare
Kismaayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com