Dhageyso:Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Hiliwaa

0

Muqdisho(AGGM):Koox Hubeeysan ayaa Xalay Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada DFS  ay ku leeyihiin Degmada Hiliwaa,gaar ahaan Isgooyska Soos ee Muqdisho.

Iska hor imaadka oo Mudo socday ayaa waxaa uu Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah,waxaana Dagaalka ku Geeriyooday Hal Ruux oo rayid ah iyo 6 kale oo Shacab ah oo ayna ku dhaawacmay Dagaalka.

Khasaaraha  soo kala Gaaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ayaan la sheegin,waxaana jirtay in Dhinacyada dagaalamay ay Hub Culus isku adeegsadeen.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa Baaritaano Saaka ka wada Degmada Hiliwaa iyo Xaafadaha ay ka  kooban tahay.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com