Maqaal+Dhageyso:Maxaa kaaga baxay wadahadalada RW Cabdiwali, Col.Barre Hiiraale iyo Horjooge Axmed Madoobe(Qalinkii Eng. Samatar)

0

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale waxaa uu hore laba mar wasiir uga soo noqday xukumadahii KMG ee dalka Soo maray ayaa ah shaqsi ay Soomaalida gobolada Jubbooyinka taageero weyn u hayaan, islamar ahaantaasna u dirira xaqa iyo xuquuqda dadka la dulmay ee Soomaaliyeed.

Col. Bare oo lagu qilaafay mab’daas ayaa waxaa uu si adag u sheegay in maamul loo dhanyahay ay wadda dhistaan dadka deegaanada jubbooyinka, islamar ahaantaasna dadka loo madax baneeyo in ay wadahadlaan oo iyagoo xor ah, oo uusan taangi Keenyaati kortaagnayn ay maamulka ka soo bilaabaan meel hoose balse taas waxaa si adag uga horyimid ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh Axmed, oo sida warar hoose ay sheegayaan saami laga siiyay dekadda iyo Aaripoortka Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa sanad ka hor kaga baxay Kismaayo dagaal qaraar oo sababay dhimashada 175 qof iyo dhaawaca 250 qof oo umaddii Soomaaliyeed ee magaalada deganayd ah, waxaana ra’isul wasaaraha uu damcay inuu si sulux ah iga indho tiro dadka iyo hantida intaas la e gee habka qabiilka ah ee abaabulan ku baabiyeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Maleeshiyo beeleedka ONLF hase ahaatee wadata magaca Raaskambooni.

Waxaa nasiib daro ah in ra’isul wasaaraha oo Kismaayo ku sugan ay maamulka Axmed Madoobe si cad u diideen inay wareejiyaan dekadda iyo Aaripoorka Kismaayo, taasoo kuu muujinaysa in dawlada Soomaaliyeed siyaasadeedii uu minjaxaabiyey nin u jidbaysan koox yar oo deegaanka duulaan beeleed ku qabsatay.

Halkaan Hoose Ka Dgaheyso Cabdinaasir Seeraar oo wax badan oo aadan ogeyn kuu iftiimin doona.


Barre Hiiraale iyo beelweyntiisa SADE ayaa qaatay go’aan ka bedelian midka indho la’aanta ee cabdiwali uu ka damcay magaalada Kismaayo, waxayna kaga nixiyeen hadal uusan ka soo waaqsan doonin.

Halkaan Hoose ka dhageyso Col Bare Hiiraale


Col Barre Aadan Hiiraale oo ah rugcadaa dagaalyahan ah oona kamid ahaa ciidamadii xooga dalkeena ee loo soo tababaray in dalkaan ay difaacaan ayaa waxaa uu haystaa ciidamo daacad u ah oo gaaraya 2,000 kun oo askari kuwaas oo ku sugan deegaanada Goobweyn iyo naxaawiga Kismaayo.

Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ee DFS ayaa sheegtay in ciidanka Barre Hiiraale uu wato ee  fadhiya Gobweyn ay yihiin ciidan ka tirsan xooga dalka una xisaabsan DFS sidoo kalena ay ka war heyso xaaladaha ay ku sugan yihiin.iyadoo dhawaan la filayo in la gaarsiiyo mushaaraadkoodii.

Warar hoose aanu ka sii xigay wasiir ku xiggeenka howlaha guud ee xukuumada RW  Cabdiwali ayaa sheegaya in RW uu sixiixay amar lagu bahdilayo oo weerar qorshaysan loogu qaadayo ciidamada qaranka Soomaaliyeed, taasoo magac dil u ah umadda Soomaaliyeed ee nabada jecel.

Xiriir qadka telfoonka ah ayaa dhex maray RW Cabdiweli iyo Barre waxana uu Barre af cad ku diiday in uu Kismaayo imaado inta ay Kenya iyo ciidanka maamulka KMG Jubba jogaan. Barre ayaa codsaday in la billaabo dib u heshiisiin guud oo ummada Soomaaliyeed ay maamul ay u siman yihiin ku dhisan karaan.

Balse RW Cabdiwali Soomaaliya ayaa billaabay in uu kala furfuro beeshii Soomaaliyeed ee SADE ee dhibaatada baaxada leh ay u gaysteen ciidamada Kenya. Isagoo beeshaas iyo beelaha kale ee ka irdhaysan cadaalada darada Kismaayo ka jirta cagta hoosteeda geliyey amarna ku siiyay inay hubkooda ku wareejiyaan ciidamada ONLF ee beesha kaliyah ah.

RW Cabdiweli ayaa la filayaa in bari uu si wajigabax ah dib ugu laabto magaalada Muqdisho oo uu ka soo kicitimay kaddib 7 maalmood oo uu xalin waayay dhibaatada Kismaayo ka taagan.

Dadka saadaaliyo siyaasadaha Jubbooyinka ayaa sheegaya in RW uu ku fashilmay shaqadii ay umadda Soomaaliyeed u igmatay.

Eng. Maxamed Cabdullaahi Samatar
Tel: 25261-851514.
Kismaayo, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com