Dhageyso: Dr. Xasan Qaasim Afhayeenka ciidamada dawlada ee Jubbaland“ Ra’isul wasaaraha diyaaradii AMISOM ayuu amray inay na duqeeyaan”.

0

Goobweeyn (AGGM): Dr Xasan Qaasim Afhayeenka ciidamada dawlada ee Jubbaland ayaa sheegay in ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiwali Sh Axmed uu ka abaaray xalka jubbooyinka meel qaldan, isagoo hareer maray qodobadii lagu heshiis ee Addisababa, taa badelkeedana uu amar ku siiyay inay isku soo dhiibaan jabhad hubeysan sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaan oo u maramay warbaahinta la iska arko ayaa sheegay in markii ay ra’isul wasaaraha kula taliyeen in xalka uu u abaaro hab wadahal ah uu arrintaas ku gacan sayray, isagoo garab siiyey kooxda uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Dr Xasan Qaasim Afhayeenka ciidamada dawlada ee Jubbaland aya dhanka kale sheegay in durbaba shalay billaabeen inay diyaaro dagaal ay dul heehaabaan deegaanka ay ciidamadoodu ku suganyihiin, taana ay qeyb ka tagay amar ra’isul wasaarah uu ku bixiyey in la duqeeyo.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin heshiis iyo nabad ka dhacday Jubbooyinka, iyadoo sida uu sheegay aan la jujuubin dhinac, halka dhinac kalena la hubaynayo.

Maankeey Aalloos
Kismaayo Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com