Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar Oo Ka Been Sheegay Waxa Ka Socda Kismaayo Iyo Ciidamada Fariisimaha Ku Leh Duleedka Kismaayo.

0

Kismayo (AGGM): Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa shalay kulan ku sheeg ku yeeshay qaar kamid ah KOOXDI BAC MADOOW  iyo sidoo kale xubnaha wafdigii la socday Ra’iisul Wasaaraha, IGAD iyo Ethiopia waxaana si gaar ah kulankaasi loola yeeshay kooxda ku qaraabata magaca Beesha Sade balse u adeegta danaha Axmed Madoobe iyo Beeshiisa.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaankaasi kana mid ah wafdiga R/wasaaraha ee Kismayo jooga ayaa sheegay in kulankii shalay lagu xaliyay khilaafaad u dhexeeya beesha Sade, arintaas oo ah mid aan bataatanba waxba ka jirin, sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskan uu daba socdo heshiis horey loogu gaaray magaalada Addis Abbaba, arintan ayaa iyana waxa y tahay mid been abuur cad ah, R/wasaare Cabdiweli Sheekh waxa uu baal maray gabi ahaan heshiiski Addis Ababa, waxa uu wadana waa Gacmo Geeljire hoos baa loo dhaqdaa, arinkuse ka weeyn qorshaha R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

Muuse Sheekh Cilmi ayaa sheegay in dhawaan ciidamada jooga magaalada meel ka baxsan la soo xareyn doono iyadoona la raacayo heshiiskii horey loogu gaaray wadaka Itoobiya, waxaana dhamaan ciidamada laga dhigi doonaa kuwa ka tirsan ciidamada dowlada, Warkan ayaa isagana ah mid aan waxba ka jirin (Waanu Ka Saraynaa Rag Mindiyaha Lagu Qalayo Loo Qariyo).

Dhanka kale wuxuu sheegay Xildhibaanka in la sameeyay gudi ka shaqeya arimaha farsamada inta lagu guda jiro kulamada labada dhinac, isagoo geesta kale rajo wanaagsan ka muujiyay soo xaraynta Ciidamadda ku sugan duleedka degmada Kismayo, arintan kale ee uu sheegay Xildhibaanka ayaa iyana u baahan isweeydiin, Gudiga ay Kismaayo ka qabteen soo ma,ahan kooxdi Bac Madoow ee Axmed Madoobe hoos fadhiday ee markii Dilka, Dhaawaca, Xariga, Kufsiga iyo barakicinta baahsan loo geesanayay dadka u nasab sheegta beesha daawanayay? arintan waxa ay ku tusaysaa in R/wasaare Cabdiweli Sheekh si toos ah uu ugu biiray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo dhamaan kulamadi dhex maray R/wasaare Cabdiweli Sheekh iyo rag lagu sheegay beesha Sade ayaa waxa ay ku soo dhamaadeen fashil iyo fadeexad ku habsatay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, haddii uu garana maanta dhaawaca Siyaasadeed ee ka soo gaaray safarkiisa Kismaayo, maalin kaluu garanayaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com