War Deg Deg Ah: Horjooge Cabdiweli Sheekh Oo Amray In Ciidamada Goobweeyn La Weeraro.

0

Kismaayo(AGGM): Wararka naga soo gaaraya guriga Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Horjooge Cabdiweli Sheekh uu amray in la weeraro ciidamada Goobweeyn.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kulan ay yeesheen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Iyo Cabdiweli Sheekh oo u xuubsiibtay Horjooge ka tirsan maleehsiyo beeleedka Raaskambooni ayaa hoosta ka wada xariiqay in la weeraro ciidamada Goobweeyn iyada oo la kaashanayo Ciidamada Dolwadda Kenya uga haray magaalada Kismaayo.

Goobjooge ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in horjooge Cabdiweli uu si toos ah u amray in la weeraro ciidamada ku sugan Goobweeyn, lagana saxiixay warqadihi fasaxa ee lagu weerari lahaa”.

Goobjoogahan ayaa waxa kale oo uu sheegay in Horjooge Cabdweli Sheekh ay aad ulla yaaban yihiin dagaalka uu kula jiro ciidamada Goobweeyn iyo halka ay ka dirirsan yihiin.

Dhinaca kale Wararka hadda naga soo gaaraya Goobweeyn ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Goobweeyn heegan buuxa la galiyay ka dib marki diyaaradaha Kenya lagu arkay iyagoo dul heehaabaya deegaanada ku dhow dhow fariisimaha ciidamada, Ciidamada Goobweeyn ayaa diyaar garoobay inay iska caabiyaan cid walba oo soo weerarta.

Isku soo wada duuboo Hadii ay dhacdo in la weeraro ciidamada Goobweeyn ayaa haba yaraato’e waxba kama ay qaadi karaan diyaaradaha Kenya iyo maleeshiyo beeleedka Raskambooni, waxaana ay kala soo kulmayaan dharbaaxo aysan abidkood hilmaamin, sidoo kale waxa ay dharbaaxo siyaasadeed oo uu ka soo waaqsan ay ka soo gaaraysaa Horjooge Cabdiweli Sheekh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com