Labaatan Qofood Oo U Dhintay Cudur Aan La Garanayn Degmada Bardaale.

0

Bardaale (AGGM): Labaatan qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way la il-daran yihiin cudur aan la aqoonsan oo ka dillaacay degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Maxamed Isaaq (Caracase) ayaa sheegay in cudurka uu dadka iyo xoolaha dhibaato ku hayo, isagoo xusay in 14 qof ay u dhinteen bishii hore, iyadoo bishan April-na ay u geeriyoodeen lix qof.

Guddoomiyaha ayaa xusay in astaamaha lagu garto cudurka ay ku jiraan beerka oo barara qofka, caloosha oo weynaata, garbaha oo yaraada iyo qandho.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in cudurka uu dilay in ka badan lixdan neef oo isugu jira geel iyo Lo’.

Maxamed Isaaq ayaa sheegay in cudurka uu hadda si xowli ah uu ku socdo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmada Bardaale uusan ka jirin adeeg caafimaad oo dabooli kara baahida ka jirta degmada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com