FADEEXAD:R/wasaare Cabdiweli Sheekh “Adiga Ma Reer Gedo Ayaa Tahay Mise Reer Mudug”?

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu yahay shaqsi aan jirin, wax mas’uuliyad ahna aan qaadi karin.

Goobjooge shalay la kulmay R/wasaaraha ayaa waxa uu weeydiiyay su’aal uu aad ulla yaabay taa oo ahayd “Adiga Reer Gedo Maa Tahay Mise Reer Mudug” goobjoogahan oo naxsan ayaa waxa uu ugu jawaabay aniga waxaan ahay nin Mareexaan ah.

R/wasaare Cabdiweli ayaa goobjoogahan waxa uu ku yiri Mareexaan waa badan yahay’e “ma reer Gedo ayaa tahay mise reer Mudug, saa haddana goobjoogihi oo aad ulla yaaban ayaa ugu jawaabay “War anigu nin Mareexaan ah ayaan ahay”.

Goobjoogahan oo u waramay warbaahin Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay “Walaale ninka aan la kulanay ma uusan ahayn nin miyir qaba, runtiina ma uu ahayn nin mas’uuliyad Soomaaliwayn qaadi kara, waxaan hubaa in la kulankiisa uu dhamaantayo nagu riday hanjab, sababtoo ah waxaan is lahayn ninka waa aqoon yahan, wax caqli ah ninkaan arkay anaguna ka sugi meeyno adinkana ka tashta”. waa sida uu hadalka u dhigay goobjoogahan’e.

Runtii waa ayaan daro iyo wax aan aad uga naxay, R/wasaarihi Soomaaliya inuu waxaas iyo wax la mid ah uu igula hadlo ama anagoo badan aanu afkiisa ka maqalno, Soomaali aad iyo aad ayay u nasiib daran tahay haddiiba ninkaan arkay R/wasaare u yahay.

Dhinaca kale R/wasaaraha ayaa arintan iyo arrimo kale in mudo ah lagu xamanayay balse hadda waxaad moodaa inuu Cudurki hayay banaanka soo dhigtay, dhawaana laga daween doono”.

Isku soo wada duuboo dadka uu R/wasaaraha kula kulmay Kismaayo ayaa waxa ay u badnaayeen dadki dadkooda la dilay, la xiray, la jirdilay gabdhahoodana la kufsaday waxay ka filayeena wax ka fog kana raqiisisan ayay kusoo arkeen R/wasaare Cabdiweli Sheekh inuu tiigsanayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com