War Cusub: Shir Ku Sheegi Kismaayo Iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Oo Sheegay In Col. Bare Hiiraale Dowladdaha Itoobiya Iyo Kenya Ay Diidan Yihiin, Waana Inuu Isaga Baxaa Jubooyinka.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shirki u dhexeeyay Maxaabiisti Beesha Sade ee Kismaayo iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu hadda ku soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo.

Shirka oo u dhexeeya Maxaabista beesha Sade ee magaalada Kismaayo iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa waxa uu socday maanta barqadi ilaa iminka oo weli dadki qaar ku sugan yihiin goobta uu ka socday shirkan.

Waxaa shirka isugu yimid 15 ka mid ahaa kooxdi Bac Madoow ee la heeystaha u ahaa Axmed Madoobe Iyo 15 ruux oo ka mid ah dadki ku haray magaalada Kismaayo iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa ugu horeeyn kulanka furay waxa uuna u sheegay inuu doonayo in ciidmada dibedda magaalada ka Joogo ay ku soo xaroodaan magaalada Kismaayo, sidoo kale R/wasaaraha ayaa dadki uu la shirayay u sheegay in Itoobiya iyo Kenya aysan doonayn Col. Bare Aden Shire, sidaa awgeedna uu doonayo in uu u raaco magaalada Muqdisho.

Waxaa is qabsaday hoolki shirka buuq iyo sawaxan isugu jiray 15-ka ka midka ahaa kooxda Bac Madoow oo aad ugu farxay warka ka soo yeeray R/wasaare Cabdiweli oo ku xulufo ah iyo 15-kii ruux ee kale oo ka biyo diiday warka uu u soo jeediyay R/wasaare Cabdiweli Sheekh, hanjabaad iyo indho gaduudin fara badan ka dibna, waxaa si qasab ah lagu yiri waa taageersan nahay go’aankaaga.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacay in leeysugu fara baxsaday iyo in leeysu dhaartay islamarkaana lagu aflagaadeeyay kooxda Bac Madoow iyadoo ka qeeyb galayaashi qaarkood ee sheegeen in dalka ay Soomaali leedahay Itoobiya iyo Kenyana aan bataatanba waxba laga weeydiinayn, hadalka R/wasaarahana ay ka dooranayaan in dagaal lagu hoobto uu dhaco hadduusan dib ulla laaban.

Dhinaca kale waxaa maalmaha soo socda ka dhacaya magaalada Muqdisho, gobolka Gedo iyo Dalalka caalamka dhamaan shirar laga soo saari doono war murtiyeedyo kalsoonida lagala laabanayo xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa waxa uu si cad ugu fashilmay siyaasada Soomaaliya gaar ahaana mida Jubbooyinka, waxaana suuragal ah laba arimood midkood in ay dhacdo in uu xilka uu hayo waayo ama in dagaaladi sokeeye ee horey looga soo gudbay dib uga qarxaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Filo Wararkeena dambe Warbixin Ku Saabsan, Maxaa Ka Jira In R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu (Maxjarka Xoolaha) Ka Furanayo Magaalada Kismaayo?

wali

Ganacsiga Saaxiibtinimo Iyo Ehelnimo Midna Malaha MR. 10%

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com