Top News: Beesha Sade Oo Maalmaha Fooda Inagu Soo Haya Kalsoonida Kala Laabanaysa Xukuumada Uu Hogaamiyo Cadbiweli Sheekh Axmed.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo kala gaaraya iminka magaalooyinka Muqdisho iyo Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in shirar isdaba joog ah ay saaka u furmeen dhamaan qeeybaha bulshada ee Beesha Sade.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gabi ahaan shirarka ka kala socday Muqdisho iyo gobolka Gedo ay ku soo dhamaadeen is afgarad islamarkaana leeysku raacay sida ugu dhaqsiyaha badan in Xukuumada uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed lagala laabto Kalsoonida.

Sidoo kale waxaa shirar isdaba joog ah teer iyo shalay u socday dhamaan qeybaha Qurbajoogta, Odayaasha dhaqanka, Aqoon yahanada siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo ururada Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa iyaguna dhamaantooda waxa ay isku raaceen in Kalsoonida lagala laabto Xukuumada uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa la filayaa dhawaan inay dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ay ka dhacaan dibedbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Xukuumada uu Hogaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale waxaa iyana la filayaa in beesha Sade ay baaq u dirto dhamaan Saraakiisha iyo ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya ee u nasab sheegta Beesha Sade inay isaga soo baxaan furimaha dibna ugu soo laabtaan deegaanadooda.

Isku soo wada duuboo waxaan dhoornaba waa kacdoonka ka dhanka ah Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka dhaca dalka iyo dibeddaba maalmaha fooda inagu soo haya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com